Shil gaari ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Dila ee duleedka Magaalada Boorama iyadoona wararka ay sheegayan in shilkaasi ku geeriyooden 2 ruux halka 8 kalana ay ku dhaawacmen.
Shilkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay isku dhaceen gaari nooca isku rogaha ah iyo mid bas ah.
Ciidamada Taraafikada ayaa gaaray goobta uu shilka ka dhacay iyadoona markii dambe halkaasi laga qaaday dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay.
Deeganada maamulka Soomaliland ayaa aad ugu soo badanaya shilalka gaari iyadoo mudooyinkii ugu dambeyay ay ka dhaceen shilal badan.