Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa war kasoo saaray Nin ay xalay ku toogten Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Ninka ayaa la sheegay inuu rabay in uu weerar ku qaado ciidanka booliska oo howlgal ka waday Degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir, iyadoona uu askari ka tirsan howlgalka uu toogtay.
Booliska ayaa sheegay in ninkaasi uu damacsana inuu weerar toos ah ku qaado ciidanka balse laga hortagay.
Ciidamada booliska ayaa haweenadab degmooyinka gobolka Banaadir kawaday howlgal lagu baacsanayo kooxaha burcada ah iyo ciyaal weerada, iyadoo Muqdisho muddooyinkii ugu dambeeyay ay martigelisay dilal loo geysanayo dad shacab ah.