Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa Axadii taageero buuxda u muujiyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, in kasta oo beesha caalamku cambaaraysay duullaanka joogtada ah ee Moscow ee Ukraine.
Dadka Ruushku waxa ay guulo waaweyn ka gaadheen xaqiijinta xaqa ah ee difaaca sharafta iyo ammaanka dalkooda, iyaga oo ku dhiirranaya dhammaan noocyada caqabadaha iyo dhibaatooyinka,” ayay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA qortay maanta.
“Dadka Kuuriya waxay u fidinayaan taageero buuxda iyo dhiirigelin dadka ruushka.”
Tilmaanta muuqata ee Kim ee ku aaddan weerarka aan loo meel dayin ee ka dhanka ah Ukraine oo ah “sabab xaq ah” oo lagu difaacayo ammaanka Ruushka ayaa ah calaamaddii ugu dambeysay ee muujineysa xiriir laba geesood ah oo soo jireen ah oo u dhexeeya labada dal, ayee werisay wakaaladda wararka ee Yonhap.
Pyongyang ayaa dhawaan carabka ku adkeysay in ay xiriir dhow la leedahay Moscow inkastoo ay sii kordhayaan dhaleeceynta beesha caalamka ee ku aadan duulaanka Ruushka ee Ukraine.
Kim waxa uu sidoo kale muujiyay kalsoonida ah in xiriirka saaxiibtinimo uu sii wadi doono inuu sii xoogeysto dhammaan dhinacyada.
Sannadkii 2019-kii, Kim wuxuu kulan madaxeedkiisii ugu horreeyay kula yeeshay Putin magaalada fog ee bariga Ruushka ee Vladivostok.
taaso la rumeysan yahay inuu sare u qaadayay xiriirka labada dal.