Dominico oo 60 jir ah 40-kii sano ee lasoo dhaafay noloshiisa, wuxuu ku qaatay uu dhex seexanayay waxna ku cunayay dambiil ay farsameeyeen waalidkii oo da’ ah.
Ninka naafada ah ayaa la sheegay inuu ku socon karin lugaha iyo gacmaha ka dib xanuunno yaab leh oo isdaba-joog ah oo helay.
ubad waliba waa qaasab markuu waalidkiisa gabowo inay daryeelan, balse ninkan waa uu ka duwan yahay taas, arintiisana waa mid murugo leh.
Dominico aabihiis oo 88 jir ah iyo hooyadii 81 jir ah ayaa quudiya oo daryeela isaga maalin kasta sababtoo ah waa naafo.
60-jirkan oo ah wiilkoodii ugu horreeyay ayaa 40 sano oo noloshiisa ka mid ah ku qaatay dambiil.