Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dalab 60 milyan ginni ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong kaas oo ay Barcelona diiday.
Ka dib bixitaankii Paul Pogba, Nemanja Matic, Jesse Lingard iyo Juan Mata, Macalinka cusub ee Erik ten Hag ayaa isha ku haya inuu xoojiyo khadkiisa dhexe xagaagan, iyadoo De Jong la rumeysan yahay inuu yahay bartilmaameedkiisa koowaad.
Red Devils ayaa la fahamsan yahay inay miiska u saartay dalabkeedii ugu horreeyay ee 25 jirkaan horaantii isbuucaan, laakiin Daily Mirror ayaa sheegeysa in dalabkaas ay soo diiday kooxda reer Catalan.
Weli waxaa jira heer ay United rajo ka qabaan heshiiskan suurtagalka ah, iyadoo warbixintu ay intaas ku dartay in De Jong uu isku diyaarinayo inuu ka tago Camp Nou oo uu u dhaqaaqo Old Trafford xagaagan ka dib markii uu ogaaday rabitaanka Barca ee ah inay iska iibiyaan oo ay dhaqaale ka helaan.
Labada kooxood ee United iyo De Jong ayaan wax dhibaato ah kala kulmin heshiiska shaqsiga ah, iyadoo kaliya ay labada kooxood heshiis ku yihiin qiimaha suuqa kala iibsiga ee ka hortagaya in heshiiska uu meel sare gaaro.
De Jong ayaa kooxda koowaad ee Barca ka mid ahaa tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Ajax adduun dhan £77.4m xagaagii 2019, waxa uu u diiwaan gashaday 13 gool iyo 17 caawin 139 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.