Sergej Milinkovic Savic ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo horyaalka Ingiriiska muddo dheer kaasoo mar Ku hungoobay inuu u dhaqaaqo marar badan.
Arsenal ayaa hadda ka shaqaynaysa sidii ay u hubin lahayd inay u dhaqaaqdo xagaagan xidigan halista badan.
Mikel Arteta ayaa kooxdiisa dib ugu soo celiyay Yurub waxayna haatan isha ku hayaan in ay wax walba u dhacaan sidii loogu talagalay iyaga oo keenaya ciyaartoy cusub oo kooxda ku xoojiya.
Sergej Milinkovic Savic ayaa loo arkaa mid ka mid ah bartilmaameedyadan taas oo dhici karta maalmaha soo socda iyaga oo diyaar u ah in ay la kulmaan qiimaha ay ku doonayaan xiddiga khadka dhexe.
Arsenal ayaa sidoo kale mudnaan siinaysa u dhaqaaqista weeraryahanka Manchester City ee Gabriel Jesus kaas oo sidoo kale la filayo inuu u dhaqaaqo Emirates Stadium laakiin lacagta uu kula wareegayo ayaa ahayd arin ay kooxdiisu ku doonaysay 60 milyan oo euro.