Paul Pogba ayaa daaha ka qaaday in uu doonayo in uu “deganaan ku dareemo kooxdiisa xigta” ka dib markii uu ku dhawaaqay go’aanka uu kaga tagayo Manchester United xagaagan.
29-sano jirkaan ayaa si rasmi ah uga tagi doona Old Trafford marka uu qandaraaskiisu dhaco June 30, wuxuuna awood u yeelan doonaa inuu kala xaajoodo inuu si xor ah ugu biiro koox kale.
Kooxdii hore ee Pogba ee Juventus iyo sidoo kale Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa la aaminsan yahay inay yihiin saddexda kooxood ee ku dagaalami doona saxiixa xiddiga khadka dhexe xagaagan, laakiin xiddiga reer France ayaa ku adkaystay inuu u baahan yahay inuu deganaan dareemo koox kasta oo uu go’aansado inuu ku biiro.
“Qof walba waxa uu rabaa in uu dareemo in la jecel yahay, qof kastaa waxa uu u baahan yahay naftaada si aad u dareento in la qiimeeyo.
“Wax walba oo aad sameyso xitaa markaad weynaato, markaad sameyso wax wanaagsan waxaad jeceshahay inaad maqasho waxa wanaagsan ee aad sameysay.
“Had iyo jeer way wanaagsan tahay in la dareemo shaqada aad qabato in lagu qaddariyo inaad si fiican u qabanayso in dadku ay ku faraxsan yihiin naftaada.”
Pogba ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Kaliya waxa ugu wanagsan ayaan doonayaa, waxa aan ku fikirayaa, in aan wax walba meel isugu geeyo, wakhtigayga qaato, waxa aan kaliya raadinayaa waxa ugu fiican, waxa aan doonayaa in aan ciyaaro kubada cagta.
Pogba ayaa weli la rumeysan yahay inuu ka fikirayo inuu u wareego midkood Juve, Real ama PSG.