Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa daafaca Juventus Matthijs de Ligt suuqa xaggaagan.
Xiddiga reer Holland ayaa haatan lala xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxda reer Talyaani, iyadoo Juventus lagu soo waramayo inay dooneyso inay De Ligt ka jarto mushaarka uu ka qaato oo dhan €12m sannadkii.
Iyadoo 22-sano jirkaan uusan dooneynin inuu dhimo mushaarka, kooxo badan oo Premier League ah ayaa bilaabay inay muujiyaan xiisaha ay u qabaan daafaca dhexe.
Manchester United iyo Liverpool ayaa eegaya De Ligt, halka Chelsea ay xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ku dartay liiska bartilmaameedyada daafaca.
Saddexdaas kooxood ee Premier League ayaa laga yaabaa inay tartan dheeri ah kala kulmaan De Ligt, iyadoo Mirror ay warineyso in Manchester City ay ku soo biirtay tartanka loogu jiro ciyaaryahanka Juventus.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Pep Guardiola uu aad u doonayo inuu la soo wareego daaficii hore ee Ajax, kaasoo ay ka harsan tahay labo sano inuu ku guuleysto qandaraaskiisa haatan ee Juventus.
Tan iyo markii uu ka yimid Netherlands 2019, De Ligt ayaa u saftay 117 kulan kooxda Turin, isagoo dhaliyay sideed gool.