Kooxda kubada cagta Liverpool ayaa iska diiday dalab 40 Milyan ah oo uga yimid kooxda Bayern Munich kuna aadan xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane.
Bayern Munich ayaa aaminsan in xiddigani ay gacanta ku dhigi doonto xilli ciyaareedkan, iyadoo markale isku dayeesa inay dalab kale ku tijaabiso liverpool.
Xiddiga reer Senegal qudhiisa ayaa u sheegay ciyaaryahanada kooxdiisa Liverpool inuu doonayo ku biirista kooxda heysata horyaalka jarmalka ee Bayern Munich.
Mane ayaa maalmaha soo aadan si cad u sheegi doona go`aankiisa mustaqbalka.