Wiil labo sano jir ah oo ku sugan Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay aabihiis si shil ah.
Tani waa dhacdadii ugu dambeysay ee isxigxiga toogashooyin caan ah oo si weyn loo hadal hayay iyo kuwo shil ah oo la soo sheegay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.
Hooyada dhashay wiilka yar oo lagu magacaabo Marie Ayala, ayaa looga shakisan yahay inay wiilkeeda ku riixday inuu toogto aabahiisa Reggie Mabry.
“ aabaha si naxdin leh ayuu u toogtay oo u dilay 2 jirkiisa,
waa dambiilayaal isaga iyo hooyadiisa., Ayala hadda waxay ku xirantahay xabsiga“ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska.
Sheriff John Mina afhayeenka Booliska Florida ayaa tafaasiil ka bixiyay kiiska ilmo laba jir ah oo gacanta ku dhigay qoriga waalidkii. Wiilkan ayaa toogtay aabihiis 26-kii bishii May iyadoona falkaan loo heysto hooyadiisa oo amarka bixisay.
Aabaha ayaa la sheegay in qoriga uu kaga tagay boorso dhulka tiilay, kadibna uu cunugii uu lasoo baxay.
Ninkan ayaa dhabarka laga toogtay isagoo ku ciyaaraya ciyaar muuqaal ah oo kombayuutar ah.
Shan qof oo qoyska ka tirsan oo ay ku jirto gabar shan bilood jir ah ayaa ku sugnaa hal qol markii la toogtay.