Diyaaradaha Difaaca cirka ee Suuriya ayaa ka hor istaagay gantaalada Israa’iil ee koonfurta caasimadda fiidnimadii Isniinta, kuwaas oo aan geysan wax khasaare ah, sida ilo milatari ay u sheegeen warbaahinta dawladda Suuriya.
“Cadawga Israa’iil ayaa weerar cirka ah oo gardaro ah kaga soo qaaday dhanka gobolka Golan ee Suuriya ee la haysto, iyaga oo bartilmaansaday qaar ka mid ah goobaha koonfurta Dimishiq,” SANA ayaa ka soo xigatay ilo militari.
Gantaalada ayaa lala beegsaday baadiyaha koonfurta Dimishiq halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxda Xisbullah ee Lubnaan iyo cutubyada difaaca cirka ee Suuriya, sida ay sheegtay hay’adda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya (SOHR).
Tani waa weerarkii 14-aad ee Israa’iil ay la beegsato dhulka Suuriya sanadkan.
Bishii la soo dhaafay, saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada Suuriya ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay bakhaarrada hubka ee Iiraan ee ku dhow Dimishiq.
Milateriga Israa’iil ayaan ka hadlin wararka Suuriya ee ku saabsan weerarrada Israa’iil ay ka geysatay agagaarka Dimishiq.
Horraantii bishii Maarso, warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in weerar ay Israa’iil ka geysatay caasimadda Suuriya ay ku dishay laba askari ayna ku dhaawacmeen lix kale, taasoo keentay baaqyo ka yimid Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) si ay uga aargudaan.
13-kii Maarso, IRGC waxay toban gantaal ku dhufatay magaalada Erbil ee xarunta gobolka Kurdistan, iyagoo sheegay inay aargoosi ula beegsadeen saldhigyada Israel.
Israa’iil ayaa inta badan duqeymo ka geysta dalka Suuriya, iyada oo bar-tilmaameedsato malayshiyaadka taabacsan Iran, sida kooxda Xisbullah ee Lubnaan oo taageerta ciidamada Suuriya, waxa ay sheegtay in ay tahay dadaal ay kaga hortagayso in ay sugaan dhul hor leh oo xuduudaheeda ah.
In kasta oo Israa’iil ay boqolaal duqeymo cirka ah ku qaadday goobaha ay maamulaan nidaamka Suuriya muddada 10-ka sano ah ee dagaalka sokeeye, haddana waa dhif in ay qirtaan.