Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso daafaca rugcadaaga ah ee Gerard Pique si uu u soo afjaro waayihiisa ciyaareed sanadka 2023.
35-sano jirkaan ayaa in ka badan 600 oo kulan u saftay kooxda reer Catalonia, waxaana qandaraaskiisa haatan uu ku eg yahay 2024-ka.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Sun, madaxda Barcelona ayaa rajeynaya in daafaca dhexe uu ku dhawaaqo inuu ka fariisanayo ciyaaraha xagaaga soo aadan.
Pique ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan kooxda, hadii uu ka fariisanayo ciyaaraha 2023 markaas waxay Barcelona badbaadin kartaa €80m (£70m) mushaarka labada xilli ciyaareed ee soo socda.
Laacibkii hore ee Spain ayaa horay dhowr jeer dib u dhigay mushaarkiisa si uu uga caawiyo xaalada dhaqaale ee kooxda, laakiin wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in kooxda Catalan ay wali u baahan tahay inay sameyso wax kayd ah.
Inkastoo uu soo galay heerkii ugu dambeeyay ee xirfadiisa ciyaareed, Pique ayaa wali fure u ah Barcelona, isagoo saftay 39 kulan xilli ciyaareedkii 2021-22.