Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay Barcelona kala heshiiso qiimaha Frenkie de Jong.
Mustaqbalka 25-sano jirkaan ayaa su’aalo la geliyay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, inkastoo heshiiskiisa Blaugrana uu ku eg yahay xagaaga 2026-ka.
Imaatinka Erik ten Hag ee Old Trafford ayaa keentay soo jeedin ah in tababaraha cusub ee Red Devils uu isku dayi karo inuu dib ula midoobo ciyaartoygii ay jiibta isla qaaden intii uu ku sugnaa Ajax.
De Jong ayaa si weyn u soo muuqday semi-finalka Champions League ee 2018-19 xiligaas uu u ciyaarayay kooxda ka dhisan Amsterdam ee Ajax, isagoo ku kasbaday £77.4m inuu ugu dhaqaaqo Catalonia xagaaga 2019.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa tan iyo markii uu caga dhigtay Barcelona dhaliyay 13 gool iyo 17 caawin 139 kulan oo uu u saftay Barcelona, inkastoo koobkii kaliya ee uu ku qaaday Camp Nou ilaa hadda ay tahay Copa del Rey ee 2020-21.
Man United ayaa haatan horumar ka samaysay wadahadaladii ay kula jirtay Barcelona waxana ay ku sii dhawaanaysaa heshiis kaas oo ay ku heli karto 80 milyan oo euro (£68.7m) saxiixa xiddiga reer Holland.
Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in ay jirto “fursad halis ah” oo uu De Jong ku soo afjari doono saddexda sano ee uu Barcelona u joogay todobaadyada soo socda.
Ten Hag ayaa horay u macasalaameeyay ciyaartoy badan oo khadka dhexe ah ka hor xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay, Paul Pogba ayaa hogaaminaya bixitaanka xilli uu si xor ah uga baxay albaabka.
Nemanja Matic, Juan Mata iyo Jesse Lingard ayaa sidoo kale soo gabagabeeyay waayahooda Red Devils, halka weeraryahan Edinson Cavani iyo goolhaye Lee Grant ay raaceen.