Dab ayaa habeenimadii xalay ahayd ka kacay Kaydka Kontaynarrada BM-ka ee degaanka Kadamrasul ee Sitakunda Upazila ee magaalada Chittagong.
Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay in ka badan 450 kalena way ku dhaawacmeen dab xooggan oo ka dhashay qarax ka dhacay goob lagu kaydiyo kunteenar kiimiko oo gaar loo leeyahay oo ku taal koonfur bari Bangladesh, sida ay masuuliyiintu sheegeen aroornimadii Axada maanta ah.
Habeenimadii sabtida ayuu dabku ka kacay kaydka Konteenarka BM-ka ee ku yaala deegaanka Kadamrasul ee Sitakunda Upazila ee Chittagong. “Ilaa iyo hadda 35 meyd ah ayaa soo gaaray qolka meydka ee halkan,” ayuu yiri sarkaal booliis ah oo ku sugan isbitaalka ay dowladdu maamusho ee Chattagram Medical College (CMCH).
Ra’iisul Wasaarada dalkasi Sheikh Hasina ayaa ka murugootay dhimashada dadka waxayna amar ku bixisay in la abaabulo dhammaan tas-hiilaadka ololaha badbaadinta.

Saraakiisha ayaa sameeyay guddi baaris oo awood sare leh oo ay ka dalbanayaan inay warbixin ku soo gudbiyaan saddexda maalmood ee soo socota.
Kormeer-hoosaadka Bilayska ee CMCH (SI) Nuurul Alam ayaa sheegay in dab uu ka kacay kaydka konteenarada abaare 9-kii fiidnimo ee Sabtidii.
Iyadoo ay ku howlanaayeen daminta dabkaasi ciidamada Dabdemiska ayaa waxaa halkaasi ka dhacay qarax ka dibna dabku uu sii fiday.
Nuurul ayaa intaa ku daray in markii hore laga shakiyay in Keydka Kunteenarrada uu dab qabsaday sababo la xiriira Kiimikada, ayuu warku intaas ku daray.
Abaaro 11:45 habeenimo ayaa waxaa dhacay qarax aad u xoogan waxaana dabka uu ka kacay koonteenar kale waxaana ugu wacnaa in mid kamid ah weelasha ay ku jirtay kiimiko.
“Bakhaarku waxa uu ahaa mid faaruq ah, dab-damiska, booliiska iyo samatabbixiyeyaal kale ayaa u soo yaacay goobta ka dib markii uu dabku bilawday iyo qaraxa konteenaro ka dib konteenaro ay ka buuxaan kiimiko ayaa dilay,” goobjooge ayaa sidaasi yiri
Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu gilgilay xaafadda, waxaana uu burburay muraayadihii guryaha ee halkaasi ku yaallay.
Warar ay heshay warbaahinta oo ay ku jiraan muuqaalo laga soo duubay TV-ga ayaa muujinayay in qaraxa uu burburiyay muraayadaha dhismayaal ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana laga dareemayay meelo ilaa 4 KM u jira, taasoo argagax ku abuurtay.
Kaydka Kontaynarrada BM-ka waxa loo dhisay gudaha gudaha si keyd looga dhigo, waxayna shaqaynaysay ilaa Maajo 2011.
Kaydka weelka gaarka ah waxa laga dhisay 21 acres oo dhul ah oo ku yaala aagga Sitakunda ee Chattagram oo ku dheggan xeebta Baay ee Bengal.