Kooxda faransiiska ka dhisan ee Marseille ayaa xiiso u qabta inay ku soo qaadato weeraryahanka Manchester City Julian Alvarez heshiis amaah ah xilli ciyaareedka 2022-23.
22-sano jirkaan ayaan weli ku biirin kooxda Pep Guardiola inkastoo uu kooxda ugu soo biiray adduun dhan 14 milyan ginni oo uu kaga soo biiray River Plate bishii Janaayo, isagoo lixdii bilood ee ugu dambeysay amaah ugu maqna
Guardiola ayaa dhawaan ka dhawaajiyay inuu u arko Alvarez qayb ka mid ah qorshihiisa xilli ciyaareedka soo socda ee Premier League, kaasoo kula biiri doona kooxda heysata horyaalka xilli ciyaareedka soo socda , inkastoo uu kooxda uu yimid Erling Braut Haaland oo ka tirsana Borussia Dortmund. .
Si kastaba ha ahaatee, hadii City ay dooneyso inay amaah ku fasaxdo Alvarez si ay u sii wado horumarkiisa, kooxda Ligue 1 Marseille ayaa xiiseyneysa inay heshiis ku meel gaar ah u hesho weeraryahanka, sida laga soo xigtay Foot Mercato.
Alvarez waxaa qabsaday City ka dib ololihii cajiibka ahaa ee 2021 ee Argentina, halkaasoo uu u dhaliyay 18 gool isla markaana loo diiwaan geliyay lix caawin 21 kulan oo uu saftay, waxaana uu dhawaan dhaliyay lix gool intii lagu jiray kulankii River Plate ay 8-0 kaga badisay Alianza Lima Copa Libertadores.