AC Milan iyo Juventus ayaa labaduba isha ku hayay weeraryahanka Chelsea Christian Pulisic.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Mareykanka ayaa si weyn ugu dhibtooday taam ahaanshihiisa iyo qaab ciyaareedkiisa iStamford Bridge tan iyo markii uu 58 milyan ginni uga soo dhaqaaqay kooxda Borussia Dortmund 2019kii.
In kasta oo Pulisic uu diyaar u yahay inta badan ololaha 2021-22, 23-sano jirkaan waxaa si yar u isticmaalay maamulaha Blues Thomas Tuchel, Pulisic ayaana tan iyo markaas ka dhawaajiyay inuu ka xanaaqsan yahay waqti la’aan.
Isagoo la hadlayay suxufiyiinta ka hor kulanka saaxiibtinimo ee USA ay la yeelan doonaan Uruguay axada, Pulisic ayaa yiri: “Ilaa hadda, sida iska cad waxaan diirada saarayaa waxa aan halkan ka sameynayo. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo.
“Dabcan, waxaan rabaa inaan helo waqti badan oo ciyaaro ah, waxaan rabaa inaan garoonka ku jiro intii karaankeyga ah oo aan noqdo kan ugu af badan oo aan sidoo kale taam u noqdo.
Tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay Galbeedka London ee Chelsea, Pulisic ayaa u saftay kooxda 115 kulan tartamada oo dhan, isagoo u dhaliyay 25 gool.