Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay xiddiga garabka ka ciyaara ee Vinicius Junior u gacan galiso heshiis cusub oo wakhti dheer ah oo uu ku sii joogayo Bernabeu.
Laacibka reer Brazil ayaa ku riyaaqay ololihii ugu wacnaa ee xirfadiisa ciyaareed isagoo kooxdiisa u qaaday Champions League xilli uu dhaliyay goolka guusha.
21-sano jirku wuxuu ku dhamaystay xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 21 gool iyo 17 caawin 48 kulan oo uu saftay La Liga iyo Champion League.
Los Blancos ayaa diyaar u ah inay mid ka mid ah xiddigaheeda soo ifbaxaya ku abaal mariso mushaar kordhin iyo heshiis dheer.
Warbixinta ayaa sheegtay in Vinicius Junior uu u taagan yahay inuu helo ku dhawaad 10 milyan ginni sanadkii qandaraas kaasoo socon doona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2027-28.