Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay liiska ku darsatay ciyaaryahanada ay ku badalayso Sadio Mane kaasi oo kasii tagaya Reds.
Liverpool ayaa haatan isku dayesa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka kooxda Tottenham Son Heung Min.
29-sano jirkaan ayaa qandaraas kula jira Spurs kaasi oo ku eg ilaa 2025.
waxaa hubaal ah hadii Spurs ay ku guuldareysan lahayd inay usoo bixi waydo Champions League inay u furnaan lahayd inay iska fasaxan Son iyo Harry Kane.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Antonio Conte ayaa ku guuleysatay inay soo gabagabeyso ololaha Premier League kuna soo baxdo kaalinta afaraad, ka dib u soo bixitaanka tartanka ugu sareeya ee kubada cagta Yurub, waxayna si hufan u xaqiijiyeen in dhamaan ciyaaryahanadooda muhiimka ah ay sii joogi doonaan Waqooyiga London.
Spurs ayaa laga yaabaa in ay diido dalab kasta iyada oo aan loo eegin in Son uu ku guulaystay kabta dahabka ah ee Premier League xilli ciyaareedkan isaga oo la wadaagay xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah.