Kooxda chelsea ayaa ku dhaw in ay heshiis la gaadho xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele sida ay sheegayaan wararku.
Wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka xiddiga reer France ayaa socday ku dhawaad 12 bilood, iyadoo qandaraas kordhinta Camp Nou aan wali lagu heshiin kooxda reer Catalan iyo ciyaaryahankaba.
25-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay kooxo badan oo waa weyn suuqii Janaayo, sidoo kale waxaa lala xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo kooxaha Liverpool iyo Paris Saint-Germain usbuucyada soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, Mundo Deportivo ayaa ku warameysa in Thomas Tuchel kooxiidsa ee Chelsea ay ku dhowdahay inay dhameystirto heshiiska Dembele ka hor inta uusan dhicin qandaraaska uu kula jiro Barcelona oo ku eg bisha June.
iibsashada naadiga Chelsea ee Todd Boehly ayaa soo keentay inay wanaagsanaato rajada kooxda Chelsea xilli ay ansixiyeen Premier League iyo dawladda UK, taasoo la micno ah in Tuchel uu awooday inuu sii wado isku diyaarintiisa suuqa kala iibsiga ee soo socda.