Shirka Midowga Afrika ayaa ka qabsoomay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyadoona looga hadlay arrimo kala duwan.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa labo hadal jeedin ah ku yeeshay Shirka 39aad ee caadiga ah ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka soconayay Xarunta Ururka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa maalmaha 14-15 Oktoobar oo diiradda lagu saarray baahida loo qabo xoojinta dagaalka ka dhanka ah caqabadaha ku hor-gudban Afrika.
Kulankani oo ahaa kii ugu horreeyay ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Afrika ay iskugu yimaadaan tan iyo markii uu dunida ku faafay cudurka Karoona feyrus, iyadoo shirarku ku qabsoomi jireen hab fogaan-arag ah , waxaana kulankani si qotodheer looga dooday ajandayaashiisa.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo hadal-jeedintiisa ku gudo-jira ayaa ku baaqay in la maalgashado Soomaaliya si loo yareeyo cunno-yarida iyo nafaqo-darrada iyo in la kobciyo wax-soo-saarka beeraha gudaha dalka ku yaalla halkii laga keeni lahaa dibadda waxyaabo aan loo baahnayn, isagoo tilmaamay in caqabadaha looga gudbo iskaashi iyo wax wadaag si dalku u noqdo dambiisha cuntada ee caalamiga ah , kana horumarsan dhinacyada warshadaha, beeraha iyo caafimaadka.