Qarax miinada nooca lagu Aaso ah ayaa waxaa Maanta lagu dilay Taliyaha Ciidanka Nabadsugida degmada Deeyniile Abdishakuur Raage (Abdi Yare ) xilli uu ku sugna duleedka degmadaasi Deeyniile.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Gaari nooca Soomalida u taqaano Cabdi Bilaha oo uu saarnaa Taliyaha uu qaraxa haleelay xilli ay Ciidamada Nabadugida howlgal amni xaqiijin ah ka wadeen degaanka Deegaanka Ceel Shaale ee kuyaala duleedka Degmada Dayniile.