Odaygan waa 71 jir , wuxuuna kasoo jeeda gobolka Mt. Elgon ee dalka Kenya waxa uuna ku noola god 30kii sano ee u dambeeyay.
Kasireen Tumwa , isaga iyo qoyskiisa waxay ku noolaayen nolol caadi ah tuulada Talau, Kapenguria ee Galbeedka Pokot County, halkaas oo uu ku soo barbaaray.
Laakiin rabashado iyo dhacdooyin fool xun oo ka dhacay gobolka, ayaa keentay in qoyskiisu u guuraan meel kale.
Waxay u guureen beertii Kaboywo ee Saboti, halkaas oo ay ku koriyeen qoyskiisa oo ka koobnaa afar qof, oo ay ka mid tahay walaashiis Chebogii Tumwa.
Dhibaatooyinka daba -dheeraaday ee soo wajahay Kasireen waxa u dheered xaaska uu guursaday taasi oo awoodi wayday inay la dagaallanto xaaladaha iyo duruufyaha,kadibna waa uu furay.
Ninkan ayaa markiiba rajo belay,isagoo go`aansaday inuu ku noolado meel aan maleysan karayn.
Iyada oo aan cidna gacan ka helin, Kasireen wuxuu go’aansatay inuu muddo dheer ku noolaado god mugdi ah oo ku yaal Mt Elgon.