Waxaa Maanta degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed la geeyay Ciidamo ka socda Booliska Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamadaan oo horay amuqdisho loogu tababaray ayaa waxaa ay ka qeyb qaadan doonaan sugida Amniga Goobta dhawaan ay ka billaabaneyso doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka qeybta ka imaaneysa degaannada Koonfur Galbeed
Dhawaan waxaa degmada Baraawe gaaray Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal, kuwaas oo kormeer amni ku sameeyay Goobta loogu talo galay inay ka djacdo doorashada Golaha Shacabka, waxaana Guddiga ay sheegeen in Baraawe noqon doonto goobta ugu horreeysa ee laga bilaabo doorashada Golaha Shacabka.
Shalay waxaa degmada Baraawe ay is rasaaseyn kooban ku dhexmartay Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyaad hubeysan oo weeraray hotel ay ka socotay doorashada Xubno kamid ah golaha degaanka Baraawe, taas oo ay tabasho ka muujiyeen qaar kamid ah Beelaha Soomaaliyeed.
RBNNEWS/BARAWE