Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dawlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayay xoojinta Amniga Puntland, kaas oo ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga iyo Xubno kale.
Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray Guud ahaan gaar ahaan adkaynta Amniga Caasimada Maamulka Puntland ee Garoowe, waxaana goobjoog ka ahaa Guddiga Amniga Magaalada Garoowe ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dawlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa faray saraakiisha Ciidamada inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga Magaalada Garoowe oo kamid ah Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Golaha Shacabka.
Shirka ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo lagu adkaynayo Amniga Caasimada Maamulka Puntland iyo Guud ahaan deeganada Puntland.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay Lataliyaha Amniga Madaxweynaha, Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Garowe.
RBNNEWS/GAROWE